MU Students at class teaching

Ma dooneysaa inaad Cilmiga Umulisanimada oo taye leh ku barato waqti kooban??

Madooneysaa inaad Cilmiga Umulisanimada oo taye leh ku barato waqti kooban, ma dooneysaa inaad Practical buuxo ku qaadato Cusbitaalka SOS ee magaalada Muqdishu? Ma dooneysaa inaad noqoto umuliso buuxdo?

Haddaba hadey jawaabtaadu haa tahay deg-deg ugaar Jaamacadda Mustaqbal oo kuu diyaarisay koorsooyin lagu baranayo cilmiga umulisanimada oo ka kooban bilow, dhexdhexaad iyo dhameystir. Tirada la qaadanayo oo kooban owgeed, yaan lagaa buuxinin ee gaar campus-ka Jaamacadda oo ku yaalo degmada Hodan inta udhaxeyso isgoosyada Tarabuunka iyo Sh. Cali Suufi. Ama kala xiriir: 0615522011/0617232247.

Vast number of courses at Mustaqbal university

Mustaqbal University adopted PBL

Mission and vission mustaqbal university

MU Students at class teaching

SEMESTER-KA CUSUB EE JAAMACADDA OO FURMAY

Ardada Jaamacadda Mustaqbal oo practical kuqaadanayay bisha February cusbitaalada waa weyn eedalka oo ugu horeeyo Cusbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee SOS iyo xarumaha caafimaadka ee dallka ayaa maanta dib usoo fariistay fasal sida uu sheegayo Calander-ka waxbarashada ee Jaamacadda. Ardadaan oo isugu jiro Nurses, Midwives, Lab technicians, Nutritionists, Medicine, Public health ayaa isbuucii ugu dambeeyay baraatikada waxey galeen imtixaan baraatika ah oo looga qaaday qeybaha ey joogeen.

“Mar aan kormeer ku tagay xarumaha ardada Jaamacadda ka howlgalaan ayaa waxaa indhaheyga qabanayay arday wadato uniform aad uqurux bada oo ey ku buufsantahay loogada iyo magaca jaamacadda oo ushaqeynayo sidii shaqaalaha goobahaasi, waxaana shaqaalahasi ii sheegeen iney ardadani yihiin arday aad loo soo carbiyay oo had iyo jeer qaato mas’uuliyadda howsha loo idmaday” .

Ugu dambeyntii xafladu aad loo soo agaasimay oo lagu gudoonsiinayay abaalmarino ayaa loo qabtay shaqaalihii xarumahaasi, waxeyna aheed arin aad loogu farxo iney umahadceliyaan dadkii intaasi wax soo barayay.

jaamacadda mustaqbal oo loo aqoonsaday jaamacadda ugu tayada wanaagsan jaamacadaha dalka ayaa lagu amaanaa  baraatikadaasi iyo waxbashada theory-ga oo isla socdo.

Haddaba ardada jecel waxbarshadaasi tayada leh waxaa la ogeysiinayaa iney jaamacaddu qaadaneyso dufcada cusub oo isugu jiro bilow iyo dhameystir isqoristuna waxey ku egtahay dhamaadka bishaan.

Ka faaideysi wanaagsan.