JAAMACADDA MUSTAQBAL OO KU BIIRTAY URURKA JAAMACADDAHA ISLAAMKA

Jaamacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqotay jaamacadaha ugu magaca dheer jaamacadaha dalka Soomaaliya kadib markii ey kubiirtay Jaamacadaha wadamada Islaamka. Jaamacadda ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta sare ee uu bixiyo ururkaasi waxaana aad loogu amaanay doorkeeda ku aadan sare uqaadida waxbarashada cilmiga caafimaadka ee geeska Africa. Waxaa sidoo kale lagu amaanay hergelinta hannaanka cusub ee waxbarasho ee loo yaqaano (Problem-based learning [PBL]) kaasoo usuuragelinayo ardada iney si talantaali ah uwada bartaan aqoonta theory-ga iyo practical-ka maadaama uu cilmiga caafimaadka uu yahay mid ubaahan gacan ka qabasho (skill).

Si kastaba ha ahaatee Jaamacadda Mustaqbal ayaa noqoneysa Jaamacadii ugu horeysay dalka ee la gudoonsiiyo abaalmarintaasi taasi ey ku muteysatay dhaqangelinta waxbarashada casriga ah ee (PBL). Waxaa intaasi dheer in Jaamacaddu hergelisay barnaamij aqoondirsi (Distance Learning Programs [DLP]) kaas oo u ogolaanayo ardada dalka iyo kuwa dibadaba iney wax ka bartaan jaamacadda iyagoo joogo goobahooda fog-fog.

Haddaba ardada Soomaaliyeed oo aqoon doonka ah waxaa la ogeysiinayaa in admission-ka Jaamacadda furanyahay inta udhaxeyso (20–28 February, 2018), waxeyna aqbaleysaa ardeyda cusub (ee semester-ka 1aad ) iyo kuwa badalka jaamacaddaha kale wato. Fadlan waxii faafaahin intaa dheer kala soo xiriir xafiiska jaamacadda oo kuyaalo Magaalada Muqdishu, degmada Hodan, inta udhaxeyso isgoyska tarbuunka iyo masaajidka Sh. Cali Suufi. Ama kala xiriir telefoon number: 0616552355/0615522011    

Mr. Dahie, A prominent Public Health Researcher

Image captured during Islamic Universities in Africa Research Conference

Tags: No tags

Comments are closed.